Qalbi Dhagax Oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Kismaayo

Wararka Maanta

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax Oo Ka Mid Ah saraakiisha Sar Sare Ee Jamhadda ONLF Isla-markaana Dhawaan Laga Soo Daayey Xabsi Ku Yaal Gudaha Itoobiya Oo Maalmahaan Dambe Safar Ku Marayey Qaar ka Mid Degmooyinka Dalka Ayaa Maanta Waxa Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Qalbi Dhagax waxaa Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubbaland Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Ee Kismaayo.

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax Oo Soo Dhaweyntiisa Ka Dib Saxaafadda Kula Hadlay Kismaayo Ayaa Madaxda Maamulka Jubbaland Iyo Shacabka Reer Kismaayo Waxa Uu Kaga mahadceliyey soo Dhaweynta Ay U Sameeyeen Isagoona Intaa Ku Daray In Ku Faraxsan yahay In Gaaro Magaalada Kismaayo.

Qalbi Dhagax Inta Uu Ku Sugan Yahay Magaalada kismaayo Ayaa Waxa Lagu Wadaa In Uu Kulamo La Qaato Madaxda Jubbaland Iyo Qaybaha Kala Gedisan Ee bulshada.