Deg:Deg:Askar Dowladda ah oo Muqdisho lagu dilay

Wararka Maanta

Laba Askari oo ka Tirsan ciidamada Dowlada ayaa Goor dhaw lagu Dilay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Halka loo yaqaan Baana raama.

Dilkaasi waxaa Gaystay Askar kale oo ka tirsan isla Ciidamada Dowlada.Goob joogayaal ayaa  sheegay in wali maydka askartaasi uu yaalo ka soo hor jeedka Sarta Baana Raama ee Sanca.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Askarta dilka Geysatay ay ka tirsanaayeen Ciidanka Xasilinta Gaar ahaan Qaybta uu Taliye u ahaa allaha unaxariistee Taliye ku dhintay weerar ka dhacay Hotelka Naasa hablood two.

Labadan Askari ee la dilay ayaa diiday in ay hubka soo Wareejiyaan ka dib markii la sheegay in lagu amray in ay Hubka soo wareejiyaan.Wararka qaar ayaa sheegaya in loo maleynayo in uu jiro isku dhac kale oo Horay uga dhaxeeyay, laakiin Lama xaqiijin.