Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Booqosho Labo Cisho Qaadatay Uu Ku Tagay Sacuudiga (Dhageyso)

Wararka Maanta

Wasiirka Koobaad Ee Dalka Ahna Ra”iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Kheyr, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu Laba Cisho ka hor ku tagay Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka Dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada Dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee Dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Kulan La Qaatay Amiirka Magaalada Riyaadh Ee Xarunta Dalka Sacuudi carebiya

Wasiirka Wasaaradda War-Faafinta Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Mudane Daahir Max’ud Geelle Oo Ka War-bixiyey Safarkii Ra’iisul Wasaare Kheyre Uu Ku Tagay Dalka Boqortooyada Sacuudi Carebiya Ayaa Waxa Uu Sheegay In Boqortooyada Sacuudiga Ballan Qaaday in Ay Sii Wadi Doonto Garab Istaagga Dawladda Iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Geelle Waxa Uu Carrabka Ku dhuftay In Dhammaan Qodobadii Laga Wada-hadlay La Isku Af-gartay Fulintooduna Ay Billaabaneyso Saacadaha Soo Socda Isla-markaana Aan Dib Loo dhigeynin Fulinta Ballan-qaadka Sacuudigu U Sameeyey Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya

Mudane, Kheyre, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday Xaranka barakaysan, isaga oo halkaasi kusoo Cumraystay, una soo duceeyay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka War-Faafinta Soomaaliya Daahir max’ud Geelle:-