Pep Guardiola Oo U Ogolaaday Joe Hart In Uu Kooxda Ka Tago

Ciyaaraha

_90850262_joehartbody_getty

macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in uusan ceshan doonin hadii uu Goolhaye Jeo Hart uu go’aansado in uu ka tago naadiga kahor dhamaadka bishan.

29-sano jirkaan ayaa laga saaray line-upka Guardiola ee Man City kulankii  furitaanka Premier League ee Sunderland isbuucii hore,iyo kulanka Champions League la ciyaareen Steaua Bucuresti horaantii isbuucaan.

Waxaa la fahamsan yahay in Barcelona goolhayaheeda Claudio Bravo uu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Ingariiska,  Hart waxaa laga door biday Willy Caballero kooxda Ingariiska xilli ciyaareedkan.

Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in uu hore u lahaa dood furan oo ku saabsan Hart, kuwaas oo la rajeynayo in uu u diriri doonaa booskiisa kooxda, laakiin tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa si maldahan u sheegay bixitaanka goolhayahan ay suurto galtahay.

Everton ayaa si xoogan lala xiriirinayay goolhaya reer England, kaasoo kaga soo biiray  Shrewsbury Town  Man City sanadkii 2006, 347 kulan ayuu u saftay tartamada oo dhan City.

Comments are closed.