Naciimo Qorane oo dib u heshay xoriyadeeda

Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fiday   Naciima Abwaan Qorane.

Maxkamadda Hargeysa ayaa horey saddex sanno oo Xabsi ah ku xukuntay Naciimo. Aabbaha dhalay Naciima ayaa sheegay in uu  isaga la kulmay Madaxweynaha Somaliland islamarkaana uu u ballan qaaday in Gabadha xasbiga laga siideynayo.

Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado.