nin ganacsadaa oo Sarkaal katirsanaa Laanta Canshuuraha Galmudug Gaalkacyo ku dilay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Galmudug.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi Jiray Maxamed Cali Gurey.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu isku dayay in uu ka qaado Canshuur mid ah ka mid ah Ganacsatada Suuq weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in uu toogtay Sarkaalka ka dibna uu baxsaday.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda degan, waxaana howlgallo ka wadda ciidanka Galmudug.

intabada waaxda canshuurta ayaa caqabado kala gadisan kala kulma ganacsatada marka ay canshuurta kaqaadayaan hase ahaatee waa markii uhoreysay ee nin ganacsadaa uu dilo sargaal katirsan waaxda canshuurta maamulka galmudug