Waxgaradka ku dhaqan Degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay waddo dhul ballaarsi, iyaga oo sheeganaya inay leeyihiin qayb ka mid ah degmadaasi.
Nabadoon Aadan Weli Muuse ayaa sheegay, in shacabka B/xaawo ay ka war heleen oo kaliya Taangiyo iyo ciidamo badan oo soo gudbay, islamarkaana cabiranaya qaybo ka mid ah degmada B/xaawo.
Waxa uu tilmaamay nabadoonka in ciidamadan ay qodis ku bilaabeen xaafado ka mid ah B/xaawo iyaga oo dadka u sheegaya in dhulka Kenya halkaasi ka tirsan tahay.
“Ciidamadan ayaa mar qura nagu soo yaacay, dhul sheegaso ayeey bilaabeen, cabiro ayeey qodeen, laakiinse shacabkii u istaagay in dhulka difaacdo” ayuu yiri Nabadoonka.
Dhanka kale, Nabadoon Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya ineysan yareesan waxa ka socda degmada B/xaawo gaar ahaan xuuudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.