DHAARTA XUUTIYIINTA YEMEN EE BERBERA & FASHILKA ISBAHAYSIGA SACUUDIGA MAXAA KA DANBEEYA?

Wararka Maanta
DHAARTA XUUTIYIINTA YEMEN EE BERBERA & FASHILKA ISBAHAYSIGA SACUUDIGA MAXAA KA DANBEEYA?
“In aan guulaysanayo waxaan ku gartay in aysan Sacuudi ila jirin”
Hadalkaas waxaa laga xigtay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax 1994, marki uu hogaaminayey dagaalkii Koofur iyo Waqooyi ee midnimadii Yemen, xiligaas oo la weydiiyey; Koofurtu waa idinka hub badanyihiin, waana idinka tababar fiicanyihiin ee sideed uga guuleysan kartaan? Wuxuu ku jawaabay Sacuudiga ayaa iyaga la jirto, cid ay la jiraana wiligeed ma guuleysan.
3 sano ka hor ayey Sacuudi iyo Imaaraat dhiseen Isbahaysi Ciidan Caalami ah oo Sunni ah si ay uga xoreeyaan Caasimada Sanca ee Yemen Jabhada Shiicada ee Xuutiyiinta oo Sacuudiga iyo Imaaratku horey ugu taageeren ilaa 2 Billion$ qabsashada Caasimada si ay uga takhalusaan dawladii sharciga aheed ee Haadi iyo Xizbiga Islaax oo ahaa kan ugu shacbiyada badan Yemen, iyaga oo rabay in ay xukunka ku soo celiyaan Reer Saalax oo lagu riday Kacdoon Shacbi 2011 oo uu abaabulay Xizbiga Islaax.
Nasiib darro 3 kadib  markii la burburiyey dalkii Yemen; dawladiisii iyo midnimadiisii lana gaarsiiyey halkii aan joognay 1992; dagaal sokeeye, jabhado, mooryaan, gaajo, jahli, daacuun, qax, barakac, xadgudub iwm, lana dilay Cali C. Saalax oo filayey saacado ka hor dilkiisa in Sacuudi iyo Imaaraat xukunka dib ugu soo celin-doonaan.
Dhibaatadaas iyo khasaarahaas kadib ayey kusoo laabteen halkii ay ka bilaabeen 7 sano ka hor markii Bin Salmaan iyo Bin Zaayid la kulmeen hogaanka Xizbiga Islaax, kana codsadeen in ay dib uga xoreeyaan Xuutiyiinta dalka Yemen, taageerana siiyaan goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Sidii Kacdoonkii Maxkamadihii Somaliya 2006, markii ay qabsadeen Koofurta ayna dejiyeen soona celiyeen kala danbeyntii iyo nidaamkii ayaa xoog iyo isbahaysi lagu riday, 3 sano kadib ayaa dawladii oo dhan loo dhiibay iyaga oo aan soo celi karin nidaam, kala danbeyn, midnimo iyo dawlad nimo, magac mooyee!.
3 kadib ayey Xuutiyiintu ku guuleysteen in ay Sawaariikh ku garaacaan Riyadh, Abu dhabi iyo Hageysana ugu hanjabaan in ay garaaci doonaan hadii ay faraha kala bixi waayaan arimaha Yemen, ayna haystaan Sawaariikhda Palastiya oo ay ku garaaci karaan Hargeysa iyo Berbera iyaga oo gacan ka heli doona dawladaha Iiraan, Carab iyo Afrikaan ba.
2 sano ka hor markii Saldhiga Berbera lagu wareejiyey dawlada Imaaraatka ayey ka digeen khubaro Milatery in Saldhigaas uu saameyn ku yeelan-doono dagaalka Yemen, khatarna ku noqon karo midnimada iyo xasiloonida gobalada Somaliya.
Hadaba ma laga yaabaa hadii Siyaasiyiinta ay taageeraan Saciidiga iyo Imaaraatku ay guuleysan waayaan in ay dib u dhisaan Jabhado hubeysan sida; Yemen, Liibiya, Suuriya, Ciraaq iwm?.
Waxaa haboon kana sugeynaa dawlada Federaalka iyo Somaliland in ay ka jawaabaan hanjabaada Xuutiyiinta iyo faragelinta Carabta, iskana kaashadaan inta aan dib loo burburin wixii yaraa ee dib loo dhisay 25 sano, kuna cibra qaataan waxa ku dhacay waalahood Yemen.
“Geeridii galbeed laga sheego, gondahaaga ka eeg”
W/Qorey: Mohamed Gacal