Weerarkii Maanta rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa weerarkaas lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Wasaaraddaasi.
Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday Wasiirkii kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Saqar Ibraahim Cabdala,sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Sidoo kale waxaa weerarka khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad shacabka.
Xarunta ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda iyo dad kale oo shacab ah.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyidda weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya.