Muudey” Dastuur Somaliland ka maqan tahay Sax maha!

Wararka Maanta

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahin Muuday ayaa sheegay in warbixinta Guddiga Dastuurka ee maanta lasoo bandhigay in laga reebay maamulka Somaliland, islamarkaana  inta Somaliland ay maqan tahay uusan noqonkarin Mid saxan.

Muudey ayaa sheegay in Caqabadaha haysta Dastuurka Soomaaliya,  ay ka mid tahay Somaliland in aan lagu xusin warbixinta, islamarkaana wax wada tashi ah aan lala sameynin.

“Anniga ma aaminsani Dastuurka in uu noqon karo Dastuur sax ah inta Somaliland maqan tahay” ayuu yiri Guddoomiye  Muuday.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada Somaliland ayaa si carro leh u sheegay in dastuurka yahay mid ku eg koonfurta Soomaaliya oo kaliya, inta Somaliland maqantahayna uusan noqon doonin Dastuurka sax ah.