Home > Wararka Galmudug > Xildhibaanada Galmudug oo doortay gudoomiye kumeel gaar ah

Xildhibaanada Galmudug oo doortay gudoomiye kumeel gaar ah

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa noqday ninka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada, waxaana loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Mr Keynaan ayaa xilka sii heyn doona inta laga dooranayo Guddoomiyaha rasmiga ah iyo labadiisa kuxigeen eee Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha KMG ayaa dhowaan lagu wadaa inuu magacaabo Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo la filayo in maalmaha soo socda la qabto.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa durba ka bilowday ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana is sharaxay illaa labo Musharax oo uu ku jiro Dr. Maxamed Nuur Gacal oo horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!