Buurhakaba:Rag ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Weerar Qorsheysan

Wararka Maanta

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  ka warbixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Bay,gaar ahaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Maleeshiyaad katirsan koxda Alshabaab ayaa lagu dilay weerarkaasi,islamarkaana gacanta lagu dhigay kuwo kale sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuura Diin Abuukar.

Ma’uusan sheegin inta ay la egtahay tirada Shabaabka lagu dilay howlgaladaasi,balse wuxuu xusay in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo tiro kale oo nolol lagu qabtay.

Deegaanada howlgaladaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa hoostag degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay gaar ahaan wadada xiriira Muqdisho iyo Baydhabo ,halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey Shabaab ay bilaabeen shacabku ay waddooyinka ku dhibaateeyaan.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab,gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan dagaal ka dhan ah maleeshiyadaasi.