Dabley Hubeysan oo dad ku dilay Cabudwaaq

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Labo Qof ayaa ku dhimatay Sadex kalana waa ay ku dhaawacmeen Shaqaaqo kadhacdey Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Labada Qof ee dhimatay ayaa midkood loo dilay aano qabiil halka kan kalana rasaastii loowadey uu kudhintay
Labada Ruux ee dhimatay ayaa lagu kala magacaabaa Burhaan Diiriye iyo Aadan Cilmi Xirsi.

Ilaa sadex Ruux oo kale oo kudhaawacantay shaqaaqadaan ku salaysneed aano qabiil ayaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si xaaladooda Caafimaad loo dabiibo
Jawiga Magaalada Caabudwaaq oo markii hore kacsanaa ayaa hada dagan.

Dilalka aanooyinka qabiilka ayaa galaafatay nafta dad badan oo waxgal ah gudaha Cabudwaaq, waxaana arintan caqab ku noqotay nolosha iyo horumarka deeganka.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com