Dhaqaalaha Soomaaliya oo sanadkaan sara ukac sameeyay

Wararka Maanta

Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay maanta in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%.

Warbixin uu soo saaray maanta Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka kororka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sano ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

“Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sanadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor,dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka.

“Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray maanta dalka Soomaaliya.

Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada.

Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xiriira amniga darro,isbedelka cimilada iyo saboolnimo.