Muqdisho:Qasaare ka dhashay Qarax Gaari lagu xiray

Wararka Maanta

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu caawa gaari lagu soo xiray miino uu ku qarxay magaalada.

 

Qaraxa qabsaday Gaari marayay Isgoyska Banaadir ku dhawaad 11 ruux oo shacaba ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay, iyadoo aanu dhimasho ka dhalatay qaraxa oo la sheegay inuu ahaa kuwa lagu xiro baabuurta.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana la xiray Wadadda iyadoo baaritaan ay ciidamada ka wadaan goobta Gaarigu ku qarxay. Waxaa la qabtay qofkii gaariga lahaa oo magaciisa lagu sheegay Ceydiid, kaasoo la rabay in lagu khaarijiyo qaraxa loogu xiray gaariga oo markii uu qarxay ku jiray goob laga dukaameyso oo halkaasi ku taalla.

Ma cada sababta ka danbeysa in shaqsigaan qarax gaarisiisa loogu xiro waxaana wararka qaar sheegayaan inuu ka mid yahay Shaqaalaha Dowladda.Muqdisho Amnigeeda ayaa sii xumaanaya waxaana socda dadaalo ay Dowladda Farmaajo ku doonayso in wax looga qabta Amniga ayadoo Xilaalkii laga qaaday Taliyaashii Booliska iyo Sanad-Sugidda

Ceelhuuronline