Cabdikariin Qalbidhagax oo Booqan doona Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsiga itoobiya ayaa maalmahan ku sugnaa Magaalada Hargeysa caasimadda Somaliland, Cabdikariin ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari halkaas oo si aad ah loogu soo dhaweeyey.

Qalbidhagax ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF, waxaana safar dhulka ku mari doonaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Wareysi uu BBC siiyey Qalbidhagax ayuu ku sheegay inuu tagi doono deegaanada Galmudug, gaar ahaan Magaalooyinka Galkacyo, Cadaado iyo Dusmareeb.