Muqdisho:Guri dhalinyaro ku cawaynaysay oo bambaanooyin lagu weeraray

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaaday guri ku yaalla Xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayana guriga lagu weeraray bam gacmeedka ayaa waxaa ku sugnaa dhalinyaro isugu jiray Rag iyo dumar, kuwaasoo goobta ku caweynayay.

Illaa sagaal ruux ayaa ku dhaawacantay bam gacmeedka, kuwaasoo dhaawacyadooda isla xalay la geeyay xarumo caafimaad.

Guriga la weeraray ayay dhalinyarada ku caweynayeen, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka socday Muusik.

Dhacdadan ayay aad u hadal hayaan dadka deegaanka, waxaana goobta weerarka ka dhacay gaaray Ciidamo Boolis ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka bambaano ee xalay lagu qaaday guriga.