Ciidanka dowlada oo iska difaacay weerar dhowr jiho ah oo Al-shabaab kusoo qaadeen Afgooye

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar dhowr jiho ahaa oo xalay degmadaas ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Sida wararku sheegaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo weeraray Koontaroolo Ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo ku yaala Mukayga iyo Buundada Yar ee kala qeybisa Xaafadaha 21 October iyo Dhagaxtuur ee degmada Afgooye.

Ciidamada Booliska ee ku sugnaa koontarooladaas ayaa iska difaacay weerarka Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa in khasaare kala duwan uu ka dhashay dagaalkaas.

Maamulka degmada Afgooye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay qabsadeen degmada, waxaana dhankooda ay tilmaameen in Shabaabkii soo weeraray ay ka dileen illaa saddex dagaalame.

Waxaa la soo sheegayaa inuu khasaare soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda ugu tagay rasaasta wiiftada ah ee la is weydaarsanayay.

Xaalada degmada Afgooye ayaa saakay ah mid degan, waxaana ciidamada dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku sugayaan amniga degmada.