CXD iyo kuwa Jubaland oo deegaano cusub kala wareegay Al-shabaab

Wararka Maanta

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay la wareegay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose, oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalka fuliyay ay isugu jireen Ciidanka Danab iyo Ciidanka qeybta 43aad oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Ciidamada ayaa si nabad kula wareegan deegaanada Kaamjaroon iyo Buula Xaaji, kaddib markii Al-Shabaab isaga baxeen deegaanadaas, ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminayay ciidamada ayaa sheegay in howlgalka sii socon doonto, isla markaana Ciidamada ay u sii ruuqaansadeen deegaano hor leh.