Home > Wararka Maanta > Mudo kadib xarun dagmo oo Al-shabaab qarxiyeen oo maanta la dhagax dhigay

Mudo kadib xarun dagmo oo Al-shabaab qarxiyeen oo maanta la dhagax dhigay

Wararka Maanta

Xarunta degmada ayaa waxaa ka muuqday burbur ka soo gaaray qarax loo adeegsaday gaari oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta, waxaana gebi ahaanba burbur ku yimid xafiisyada iyo dhismayaashi uu ka koobnaa.

Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka ku nool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka kunool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta Caasimadda, Amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Xarunta degmada Warta Nabadda ayaa la qarxiyay 14 May ee sanadkii hore 2019, waxaana ay ka mid aheyd xarumo degmo oo dhowr ah oo ay qarxiyeen Al-Shabaab.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!