Madaxwayne Waare”Hirshabeelle Xitaa talo kuma lahayn Hadalkii Maamulada ee arinta Galmudug

Wararka Maanta

Maamulka Hirshabeelle ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa war-murtiyeed wadajir ahaa oo ay Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ka soo saareen xaalada Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare kana koobnaa sadex qodob ayaa si cad loogu sheegay in Hir-Shabeelle bari Ka tahay War-murtiyeedka Dowladda Federaalka lagu eedeeyay inay hurinayso Xiisda Siyaasadeed ee Galmudug waxanaa lagu yiri warka kasoo baxay Waare sida tan.

1-Hir-Shabeelle qayb kama ahayn talana kuma biirin War-murtiyeedka kasoo baxay Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada ee ku saabsanaa arinta Dowlad Goboleedka Galmudug.

2-Hir-Shabeelle waxay ku baaqaysaa in la qaboojiyo heerkulka Siyaasadeed ee Galmudug laga foojignaado talaabo kasta oo arinta uga sii daraysa Khilaafkana lagu Dhameeyo Wadahadal iyo wada tashi.

3-Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg la sigu yimaado Shir wada tashi oo ay yeeshaan Dowladda dhex iyo Dowlad Goboleedyadu sii looga wadahadlo Xaaladda Siyaasadeed iyo Xalinta Khilaafaadka taagan

Hadalka Madaxwayne Waare ayaa imaanaya ayadoo Warbaahinta lagu baahiyay War-murtiyeed lagu in Hir-Shabeelee qayb ka tahay oo ay soo saareen sida warka lagu yiri Dhamaan Maamul Goboleedyada Dalku kaas oo Dowladda dusha lagoo tuuray eedaynta ah in ay salka ka riixayso Khilaafka siyaasadeed ee Galmudug.

Ceelhuuronline