Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo is casilay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiir ku xigeynkii wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug, ahaana sii hayaha xilka wasiirka wasaaradaasi C/qaadir Maxamed Aadan(Cabdul) oo lahadlay saxaafadda gudaha ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayey.

14067594_1178625235493145_1629525145943231827_n

Wasiirkan ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in aysan jirin horusocod maamulka uu go’aansaday inuu isaga tago xilka, madaama horey wasaaradda qorsheynta uga tageen wasiirkii wasaaradaas Maxamed Cilmi Afrax iyo wasiiru dowlihii wasaaradaas Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

HALKAAN KA AQRISO WARQADDA IS CASILAADDA WASIIRKA

Tani ayaa ka dhigan in wasaaradaan uu xil ahaan ugu sareeyo agaasimaha guud, iyadoo ay dhammaan ka tageen masuuliyiintii ka sareysay, Xukuumadda Galmudug ayaa noqotay tusbax xariga laga furay, waxaana wasiirada is casilay kor u dhaafayaan ilaa 10 wasiir.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa wajahaysa khilaaf siyaasadeed iyo wax qabad la’aan, waxaana muuqata in ay u baahan tahay badbaadin iyo daba qabasho.