Diyaarado dagaal oo xalay duqeeyey Gobolka Gedo

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay ay xalay duqeyn ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Diyaaradahan ayaa gantaalo la dhacsy  saldhigyo ay Ururka Al-shabaab ku leeyihiin gobolka Gedo, lamana oga khasaaraha ka dhashay duqeyntay.

Sidoo kale diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa iney saakay dul heehaabayaan deegaanno kale oo isla gobolka Gedo ah.

Dhowaan ayeey ahayd markii diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaanno ku dhow deegaanka Ceelcadde ee Gedo, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.