Miyuu dhamaaday Khilaafkii Madaxda Galmudug?

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti waxaa maanta gaaray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Duucalle Geelle (Xaaf) ku xigeeniikiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo wasiirada Maamulkaas.

Waa markii ugu horaysay ee labada Masuul wada galaan Safar Shaqo waxii ka danbeeyay Khilaafkoodii soo biloway daba yaaqadii Bishii September ee sanadkaan Madaxda Galmudug ayaa mudooyinkaan ku sugnaa ku Muqdisho waxaana socday Dadaalo uu waday Madaxayanaha soomaaliya oo lagu doonyay xal ka gaarista khilaafka Sadexda Masuul ee ugu saraysa Maamulka Galmudug sida Madaxwayne Xaaf oo Dhinac ah iyo Ku xigeeniikiisa iyo Gudoomiyaha  Baarlamaanka oo isku mowqif ka noqday go’aankii Xaaf ku taageeray  Sacuudiga iyo Imaaradka.

Garoonka Muqdisho waxaa maanta ayagoo isku faraxsan ka wada dhoofay Xaaf iyo ku xigeeniikiisa mana jiro heshiis lagu dhawaaqay oo laga gaaray  xiisadii Siyaasadeed balse waxaad mooda in xaalku iska noqday Ijiid aan ku jiidee waa Gacma daalis oo lagu Caajisay Khilaafka Daba dheeray Xili Bulshada Galmudug sugaan hay’adaha Maamulka oo wada sheqeeya waxaaa  kaloo Masuuliyiintan isku fikir ka dhigi kara marka ay timaado in Ahlu-sunna wax lala wadaaago.

Wafdiga Madaxwayne Xaaf ayaa wararku Sheegayaan inay Jabuuti u  aadeen Kulan lagu Dhex dhexaadinayo Galmudug iyo Maamulka Ahlu-sunna ee gacanta ku haya Dhuusa-mareeb iyo Guriceel IGAD ayaa lagu wadaa inay u kala dabqaado labada dhinac

Hoos ka Daawo Sawirada

 

Ceelhuur.com

Ceelhuuronline

Ali-yare Abdiwahab Aden