Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana isla goobta loogu garaacay astaanta Qaranka ee labada dal.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.
Maxaa ugu muhiimsan Socdaalka Madaxweyne Geelle
- Madaxweyne Ismaaciil ayaa booqashadiisu qaadan doontaa 2 Maalmood.
- Wuxuu wada hadal albaabadu u xiran yihiin la yeelan doonaa Madaxda Soomaaliya, iyagoo ka arinsan doonaa siyaasadda geeska Afrika, iyo isgarabsiga labada dal.
- Mr. Geelle ayaa xarigga ka jari doona dhismaha Saafaradda Jabuuti, oo uu dhagax dhigay Feberaayo 2017.
- Sidoo kale wuxuu booqan doonaa Magaalada Beledweyne oo saldhig u ah ciidanka Hiilwalaal ee ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah AMISOM.
- Xildhibaanada iyo Wasiirada Socdaalkiisa ku wehliya ayaa shirar la qaadan doonaa dhiggoodda Soomaaliya.
- Madaxweyne Geelle waxaa wafdigiisa ka mid ah Fanaaniin caan ah sida Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, sidoo kale waxaa ku jira Fanaanka reer Jabuuti Cawaale Aadan.
Soomaaliya iyo Jabuuti waxay wadaagaan xiriir qotodheer oo ku dhisan dhiig iyo dhaqan, waxayna booqashada Madaxweyne Geelle ee Muqdisho sii xoojinaysaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqanka, siyaasadda iyo ganacsiga.