Hir-Shabeelle:Wasiirkii Saddexaad oo Iscasilay

Wararka Maanta

Wasiirkii Saddexaad ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii looga Magacaabay Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle.

Horay ayaa waxaa isku casilay laba Wasiir kadib 29,kii Bishii la soo dhaafay markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu Magacaabay ilaa 57 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Xalay ayaa waxaa noqday Wasiirkii Saddexaad ee iscasila Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Cali Cilmi.

War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxa uu is casilaadiisa ku sheegay arrimo Shaqsiyadeed oo isaga u gaar ah.

Sikastaba tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu Magacaabay Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa soo baxayay dhaliilo laga muujinayo habka lagu soo dhigay Golahaas,iyada oo Xildhibaaanada badankood ay sheegeen in aysan ansixin doonin.