Gaas oo ka hadlay Duqaymaha ku socda Daacishta Puntland

Wararka Maanta

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay duqeyn todobaadkii hore Mareykanka ka fuliyay dhulka buuraleyda ee Gobolka Bari, kaasoo lagu dilay sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish

C/wali Gaas ayaa sheegay in todobaadyo ka hor Ciidamada Puntland ay guluf ku qaadeen deegaanada Daacish kaga sugan yihiin Buuraleyda.

Mr:Gaas ayaa yiri“Waa la socdaa nimankaas Daacish in duqeyn lagu qaaday, waxaa ka horeeyay guluf ciidamadeena ku qaadeen, kaddib duqeynta ayaa dhacday, waa howl gal wax ku ool ah oo socon doona”ayuu yiri C/wali Gaas.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay maqleen nin ka mid ah saraakiisha Daacish lagu dilay duqeyntaas, isagoo meesha ka saaray inay jiraan dad shacab ah oo duqeynta wax ku gaaray.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa bishii hore labo jeer duqeyn ka fuliyay deegaanada gobolka bari ee buuraleyda ah, halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish.