Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay ujeedka xiriirka loogu gaabiyay Kenya mid loola jeedo in loo adeegsado olole doorasho oo aan loogu daneyn danta Qaranka, iyagoo xusuusiyay Madaxweyne Farmaajo in ololihiisa doorashada 2016 ay xaruntiisa aheyd Kenya, halku dhigga ololaha uu ku soo galay ay aheyd in Itoobiya tahay Cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, balse xilligan ay sida kale isu rogtay.