DANAYSIGA AXMAQA AH W/Q: Dr. Saadiq Enow

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Kulankii dhacay 7/ 12- 2020-kii oo u dhexeeyey madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka, raggii ka hadlay waxaa kamid ahaa danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya. Diblomaasigan oo magaciisa la yiraahdo Benjamin James Fender, waa diblomaasi ruug-caddaa ah oo ka soo shaqeeyey waddamo ahmiyad siyaasadeed u leh dalkiisa iyo dunida. Waxaa kamid ah Fransa, Shiinaha, Koonfur Afrika, Iiraan iyo Afgaanistaan.

Ninka khibraddan leh in loo soo dirsado in uu dowladdaas wayn wakiil uga noqdo Soomaaliya oo aanu xaaladdeeda og-nahay, waa arin macna wayn xambaarsan oo siyaasiga Soomaaliyeed uga baahan in uu fiiro gaar ah u yeesho.

Hadalkii uu ka jeediyay kulankii dhacay, wuxuu ku bilowdey dul-mar uu ku sameeyey filosofkii siyaasadda Thomas Hoobbes iyo xaaladdii uu dalka Ingiriiska ku sugnaa xilliga uu ninkan ka hadlay macnaha dowladnimada. Danjiruhu wuxuu khudbaddiisii ku soo daray, fowdada uu xilligaas Ingiriisku ku sugnaa oo Thomas Hobbes uu ka sheekeeyey, in uu akhristey muddo laga joogo sanooyin badan horteed, laakiin uusan fahmin. Ben Fender, goorta uu fowdadaas fahmay waxay noqotay markii loo soo beddeley Soomaaliya oo uu arkay nolosha taala halkan.

Sidaa darteed, masdaxda Soomaalida ayuu dhambaal u direy isaga oo ku oranaya ka gudba danaha axmaqnimada ah ee ku salaysan qabiilka, gobolka iyo midda gaarka ah idinka oo eegaya mustaqbalka dalkiina.

” Ka-taga wax-yar oo kamid ah danaysiga axmaqnimada ah, sharcigana kor u qaada si (Soomaalidu) u helaan helaan rajada wanaagsan ”.

Hadalka danjiruhu wuxuu imanayaa xilli uu khilaaf hareeyey masuuliintii Soomaaliyeed. Waxay ku guul-daraysteen in ay ku heshiiyaan wixii ugu fududaa siyaasadda dalka oo ah qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah.

Cidda wax dooranaysa waa shacabka, codka ay bixinayaan waa xaq ay leeyihiin oo madax-bannaanidooda la xiriirta. Labada qodob ee dastuurka dalka (60-aad iyo 91-aad) waxay qeexayaan muddo xileedka golaha shacabka iyo golaha fulinta.

Muddadaas oo afar sano ah ayay ahayd in lagu diyaariyo doorasho aanan muran gelin. Arintaas oo ahayd mid aad u fudud, looma tallaabsan muddadii wkhtiga la-haystay. Waxaa kale oo jira faham guud oo dowladaha caalamka ay heshiis ku yihiin, kaas oo ku salaysan muddo xileedka maamulka. Fahamkaas waxaa lagu magacaabaa (International Basic Practice).

Waxaa xusid mudan, goortii la jebiyo hal qodob oo dastuuri ah, nadaamka dowladnimo wuxuu uga khatar badan yahay af-gembi lagu sameeyo nadaamkaas.

Goorta la eego dowladda dhexe ee Soomaaliya, muddadii afarta sano ahayd oo ay xilka haysay waxay jebisey 84 qodob oo dastuuri ah. Sidaa darteed arin lala yaabo ma-noqoneyso geeddiga waryoomka ah iyo aadaanka fowdada ee ay ku sii hinqanayso madax-bannaanidii Soomaaliya iyo dowladnimadeedii. Iyada oo dowladda iyo mucaaradka midkoodna uusan diyaarin barnaamij qanciya bulshada Soomaaliyeed iyo wax-garadkooda, ayaa xaaladdu waxay taagan-tahay:

Hannaankii doorashada oo aanan weli laysku raacsanayn

Dowladda oo ka madax adeygtey in talada lala wadaago Musharaxiintii oo sheegtey in ayan aqbalayn hannaan aanan loo dhamayn
Laba guddi doorasho oo lakala samaystay
Xaafadihii Xamar oo la-kala xiranayo
Puntland iyo Jubaland oo ku dhegan qodobadii lagu heshiiyey

Markay xaaladdu heerkaas marayso, waxaa la gelayaa xaalad dad tashan waayay oo loo taliyo. Si looga gudbo siyaasadda danaysiga ku dhisan, taladu waxay u muuqataa in barlamaanka hadda jira loo dheereeyo muddo laba sano ah, nimanka muransanna sheekadoodu halkaask u joogsato. Doorasho wakhtigeedii ku dhacda lagu doorto guddoonka labada aqal.

Dabadeed ninkii xiiso u qaba hoggaanka dalka uu halkaas isa-soo sharaxo. Taasi waxaa lagaga gudbayaa guddiyadan lagu heshiin-waayay iyo xubnahan xulashadooda ay caqabad ku noqotay qarannimadii oo dhan.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com