Beesha reer Xaaji Saleebaan oo ka mida beelaha maamulka Galmudug ayaa kulan casho ah u sameeyay Madaxda sare ee galmudug odoyaasha dhaqanka gaalkacyo maamulada gobolka iyo kan degmada.
Udeeka kulanka oo ahaa cabasho ay beeshu ma muujisay awood qeysiga gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi Cabdi wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan galmuudg Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa gobolka mudug maamulka degmada Gaalkacyo iyo mas’uuliin kale.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada iyo amniga gobolka Mudug C/Xuseen Sh Maxamed oo ugu horeyn ka hadal madasha ayaa sheegay in gobolka mudug bulshada reer Cadaado ee ku dhaqan Gaalkacyo ay matalaad buuxda ku leeyihiin hayeeshee cabashadu ay tahay Degmada Gaalkacyo aysan ka helin xaquuqda ay ku leeyihiin isagoo sheegay inay ku leeyihiin ganacsi badan iyo guryo aan lasoo koobi karin.
Odoyaasha dhaqanka reer Gaalkacyo ayaa sheegay in cabashada beesha walaalahooda ah ee reer xaaji saleebaan ay dib u eegi doonaan waxa ay mudayihiin si aan ka gaabis laheyn u sii doonaan.
Gudoomiyaha maamulka Degmada Gaalkacyo Xirsi yuusuf bare ayaa sheegay in maamulkiisu uu u cadaalad fali doono bulshada ku nool gaalkacyo cabashooyinka jirana ay xalinayaan.
Ugu danbeyntii madaxweyne ku xigeenka Galmudug maxamed xaashi cabdi ayaa sheegay in qof kasta oo reer Galmudug ah deegaanka uu ku noolyahay waajib ay tahay in uu xaqiisa ku helo maamulkuna uusan ka gaabi doonin tabashada dadka reer Cadaado oo ku dhaqan Gaalkacyo isagoo ka dhawaajiyay inay yihin kuwa u saldhigay maamulka Galmudug .
Waxaa uu dhanka kale Madaxeyne ku xigeenku ugu baaqay bulshada Galmudug inay adkeeyaan dhaqan gelista qodobada lagu heshiiyay si nabad gelyada deegaanka loo adkeeyo.
Daahir Faarax