Home > Wararka Maanta > Itoobiya oo wali xarig ladaba taagan saaxiibadii cabdi ileyga xukun sugaha ah

Itoobiya oo wali xarig ladaba taagan saaxiibadii cabdi ileyga xukun sugaha ah

Wararka Maanta
Taliyihii hore ee Ciidamada Sirdoonka maamulkii Cabdi Maxamud Cumar (Iley) ayaa lagu xirey magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland kadibna loo gacan geliyay Maamulka cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mukhtar Sheekh Suubane oo ku jira liiska dadkii la raadinayey ee dambiyada ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku noolaa magaalada Hargeysa tan iyo markii la xirey Cabdi Maxamud Cumar Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Masuuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Nabad gelyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Mukhtaar Sheekh Suubane oo ku eedaysan in uu galay dambiyo badan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jir-dil maxaabiis.

Maamulka Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wadahadalo dhowaan ka yeeshay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!