Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo diyaariyay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Kheyre

Wararka Maanta

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo lagu wado in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka marka la saxiixo.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya inuu socdo saxiixa Xildhibaanada taageersan Mooshinka, inkastoo nuqul ka mid ah qoraalka Mooshinka ee aan helnay aanay ku qorneyn Xildhibaanada saxiixay, waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada diyaariyay mooshinkan ay gaarayaan illaa 50-meeyo.

Qoraalka Mooshinka laga diyaariyay Xukuumadda ayaa loo cuskaday qodobo culus, sida khiyaano qaran iyo ku xadgudubka dastuurka oo ay ku eedeeyeen inay gashay Xukuumadda, iyagoo soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka.

Maalinta berri ayaa la filayaa inuu furmo kulanka Baarlamaanka, iyadoo ajandaha looga hadlayo uu ka mid yahay go’aankii Xukuumadda ka qaadatay arrinta Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF oo ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

 

Halkan hoose ka akhriso nuqul ka mid ah Qoraalka Mooshinka:

123