MD Farmaajo “Guddi farsamo ayaan u sameyneynaa Caabud-waaq”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Guddi farsamo oo ka kooban Odayaal iyo xubno kale in loo sameynayo Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay Guddiyadan muhiimadooda in ay tahay sidii Magaalada Caabud-waaq ay u noqon laheyd meel kala dambeyn ay ka jirto, wuxuuna tilmaamay in la xoojinayo maamulka ka jira hada, sidoo kalena dib u habeyn lagu sameynayo qeybaha Garsoorka iyo Amniga.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Caabud-waaq ugu baaqay in ay maqlaan baaqyada ka imaanaya Odayaasha, si loo gaaro guulo iyo nabad lagu noolaado, oo horusocod leh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ugu baaqay inuu il gaar ah ku hayo degmada Caabud-waaq oo mararka qaar ay ka dhacaan dagaal beeleedyo.

Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay socdaalkiisa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Ku xigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.