Safarka MD Farmaajo ee Hobyo (Sawirada Diyaargarowga)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug waxaa ka socda diyaargarowga Booqashada la filayo inuu ku yimaado Madaxweynaha Jamhuuriyadd Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Galmudug ayaa lagu xardhay goobaha Muhiimka ah. Waxaa magaalada soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga mamnuucay magaalada in hub aan kan ciidanka aheyn lagu arko.

Sidoo kale Waxaa magaalada ku sugan Xildhibaano labada gole barlamaanka Federaalka iyo Masuuliyiin Galmudug. Madaxweynaha oo maanta la filayey inuu yimaado ayaa dib u dhacay safarkiisa, sababo la xariiro xalinta arimo ka taagnaa degmada Cabudwaaq. Waxaana la filayaa in Madaxweynuhu beri subax safar diyaaradeed ku maro degmooyinka Cadaado iyo Hobyo, isagoo soo magaalada Hobyo ka dhagax dhigi doona mashaariic kala duwan.

Magaala xeebeedka Hobyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsan Soomaaliya, waxayna u baahan tahay horumarin iyo dib u soo celinta bilicda magaalada, dekeda Hobyo ayaa hadii la furo noqonaysa isha dhaqaale ee ugu weyn Galmudug.