Waxaa xalay la soo afjaray xiisadii maalmahan ka taagneyd Gobolka Banaadir ee ka dhalatay khilaafkii arrimaha maqaamka Caasimadda, taasoo uu xilka ku waayay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.
Xubno isugu jiray Wasiiro, Taliyeyaal, iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabid Cabdi, waxaana dhex maray kulan uu albaabada u xirnaa.
Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isku afgartay in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh.
Taabid Cabdi Maxamed ayaa dib ugu laabanayo Xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado inuu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda.
Sidoo kale Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow ayaa isna soo magacaabaya Guddi xil wareejin oo diyaariya xaflada xil wareejinta iyo habsami u socodka howlaha xilliga kala guurka.