Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban heer federaal Abuukaate Cumar Dhagey oo maanta soo gaaray magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan la qaaday madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi iyo Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug.
Abuukaate Dhagey ayaa kulankaas ka dib saxaaafada la hadlay, isagoo sheegay in howsha doorashada ay meel wanaagsan marayso, inta dhimanna lagu soo dhameystiri doono ilaa 30-ka November, Mr. Dhagey ayaa intaa ku daray in ay jiraan kuraas dib loogu laaban doono natiijadooda, wuxuuna intaa ku daray in maalinta sabtiga ay kulmi doonaan Guddiyada ku shaqada leh howshaas go’aanna ka gaari doonaan.
Dhanka kale Cumar Dhagey ayaa sheegay in hadii tirada xildhibaanda golaha shacabka gaaraan 180 mudane ay iyagu go’aan ka gaarayaan jadwalka doorashada, Gudoomiyaha ayaa bogaadiyey maamulka Galmudug sida wanaagsan ay u sugeen amniga goobaha doorashada.
Arinta xusidda mudan ayaa ah in warar hoose ay sheegayaan in ay suurta gal tahay in dib loogu laabto afar kursi oo dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado, kuraasta la hadal hayo in lagu laabanayo ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad, C/qaadir Gaafow, Mustaf Dhuxulow iyo Saadaq Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Comments are closed.