Galmudug : Madax Guran iyo Barlamaan Gurracan….

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Galmudug : Madax Guran iyo Barlamaan Gurracan….

Dowlad goboleedka Galmudug oo la yagleeyey bartamihii sanadkii 2015 ayaa hadda wajaheysa qalqal siyaasadeed, oo ay usii dheertahay abaar iyo colaad, Madaxdii loo igmaday u shaqeynta dadka ayaa ku mashquulsan danahooda gaarka ah, Waxa ay Xamar ku tamashleeyaan dhaqaalaha ay ku soo qaadeen magaca dadka tabaaleysan ama ka soo xarooday kantaroolada canshuurta gaadiidka, arinta ka sii daran ayaa ah in Barlamaanka oo la doonayey in ay la xisaabtamaan Xukuumadda ay u badan yihiin dad ka fakaraya dhaqaale kaliya.

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa  Muqdisho u jooga olole doorasho , halka dadkii uu Madaxda u ahaa ay abaar  iyo colaad ay heysato, Sidoo Gudoomiyiha Barlamaanka Cali Gacal ayaa isna Xamar ku sugan, waxaan intaa dheer in marka aad booqato hoteelada qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gabran wasiiro iyo xildhibaano Galmdug, Waa COL KU DHAC OO TUUGO KUU CIIDAMISAY.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid XildhibaanadaGalmudug ay maalmahan ku qulqulayeen Cadaado, iyagoo sheegayaa in ay xilka ka qaadayaan gudoomiyaha Barlamaanka, Xildhibaanada waxaana horboodaya Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmdug Xareed Cali Xareed, waxaana maanta tageen Madaxtooyada Cadaado, iyadoo la sheegay in loo diiday, Way wacnaan laheyd hadii ay yihiin xildhibaano u damqanaya shacabka, balse qorshaha ayaa ah in ay soo abaabuleen siyaasiyiin ku hungoobay helidda kuraasta beelahooda, waxaana muuqata BARLAMAANKA FOORARA NINKII FOOT KA ROBOW FADLAN LACAG KU SHUBO.

Dhanka Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal ayaa maanta warbaahinta u sheegay inuu 45 cisho ku kordhiyey fasaxii barlamaanka, oo horey ugu ekaa 5 bishan, isagoo sababta ku sheegay in Abaar deegaanka ka jirto, doorashana dalka ka socoto, Balse arintu taas way ka duwan tahay oo waa seeti dheereysi looga hortagayo mooshinkan cusub .

Sidoo kale isla maanta Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saartay wareegto u qorneyd sidanguuleed

Wareegtadan ayaa muujinaysa in Madaxweynuhu si bareer ah u cuuryaaminayo howlaha maamulka, arinta yaabka leh ayaa ah abaaraha jira lagu marmarsiyoodo iyadoo aan hal doolar lagu kaalmeyn dadka dhibtu heysato, labada Masuul ayaa doonaya in ay Xamar ka maamulaan Galmudug.

Wasiirada is casilay oo aan booskooda la buuxin

  1. Maxamed Cilmi Afrax, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga
  2. Cali saciid Cumar Ibraahim,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha
  3. Cabdixakiin Macalim Axamed Maalim. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  4. Xuseen Qaasim Yuusuf Wasiirka Madaxtooyada
  5. Warsame Maxamed Xassan. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga
  6. Cawil Cabdullaahi Jaamac, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Awqaafla iyo Arrimaha Diinta
  7. Cabdisalaan lbraahim Faarax. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Jaaliyadaha & Dhiiragelinta Maalgashiga
  8. Cabdifitaax Maxamuud Axmed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Bii’ada, Dhirta iyo Daaqa
  9. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo lskaashiga Caalamiga
  10. Cali Daahir Ciid, Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka

GALMUDUG CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.

Fg. Xildhibaanada iyo Wasiirada qaar ee maamulka ku jira waa dad jecel in ay wax qabtaan balse wax ka tiro badiyey in danta gaarka ah ka shaqeysa.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Guud

Ceelhuur Online

Tagged