Faa faahin: Qarax ka dhacay Degaanka Goof’Gaduud

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud Buureey oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo Xoolaha oo ku yaalla deegaanka Goof-Gaduud Buureey ee Gobolka Baay, sida ay risaala u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in miinada lagu aasay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka goof-Gaduud oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ay jiraan ilaa dhaawacyada 5 ilaa 6 Ruux oo ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Magaalda Baydhabo ee Gobolka Baay si halkaasi loogu daweeyo.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hayeeshee Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo  Ciidamada AMISOM ayaa inta badan geysta qaraxyada noocaasi oo kale ah.