Maydka Gabar yar oo laga helay Gaalkacyo

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Gabar Yar laga helay Xaafad ka tirsan Magalada Gaalkacyo,taas oo si xun loo dilay.

Gabadha Yar ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caaisha Ilyaas Aadan,waxaana la sheegay in la dhigay Gurigooda Hortiisa,isla markaana shalay subax ay Reerkeeda waayeen oo ay baadi goobayeen.

Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Gabadha Yar oo jirkeedu uu ka muuqdo jirdil xoogan la geeyey Isbitaalka Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Weli macada sababta Gabadhaasi yar loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda,waxaana dhacdadaas Maanta aad looga hadal hayaa Guud ahaan Magalada Gaalkacyo.