Sawirro: Wasiir Juxa iyo UN-ka oo kawada hadlay dhaqaajinta heshiisyadii Galmudug iyo Puntland

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Wasaardda Arrimaha Gudaha iyo Federaal mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiskiisa  ku Qaabilay madax ka kala socotay Hay’adaha UNSOM, UNDP iyo Safaaradda Sweden, waxayna kawada hadalleen Dhaqaajinta iyo Taabagelinta Heshiisyadii ay Puntland iyo Galmudug ka gaareen nabada Magaalada Gaalkacyo.

Labada dhinac ayaa isku Afgartay in la xoojiyo heshiisyda loona qabto sida ay Ku haboon yihiin. Beesha caalamka ayaa dowladda Federaalka ah kala shaqeynaysa sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadaha ku soo noq noqda magaalada Galkacyo xarunta Gobolka Mudug oo ay kawada arimiyaan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dhawaan ayaa magaalada Galkacyo  waxaa laga sameeyey ciidan isku dhaf, kuwaas oo ka shaqeynaya nabadda magaalada. Sidoo labada Madaxweyne ku xigeen ayaa booqday dhulka miyiga ee inta badan kusoo laalaabta colaada reer miyiga.

Tagged