Home > Wararka Maanta > Xildhibaanada golaha shacabka oo yeeshay fadhigii 1aad ee kalfadhiga 6aad

Xildhibaanada golaha shacabka oo yeeshay fadhigii 1aad ee kalfadhiga 6aad

Wararka Maanta

 

Hoolkan cusub ee ku yaalla Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa dhowaan dib u dhis ku sameysay Turkiga, waxaana uu ka mid ahaa balan-qaadyadii horay ee dowladda Turkiga ugu yaboohday dowladda Federaalka.

Kulanka maanta ayaa ku furmay 152 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa hadal jeedinta Guddoomiyaha golaha shacabka iyo akhrinta 1aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa wixii hadda ka dambeeya waxaa uu ka dhici doonaa Xarunta Villa Hargeysa ee ku taala Madaxtooyada, waxaana adkaan doonta in warbaahinta madax bannaan ay macluumaad rasmi ah ama doodaha adag ee Xildhibaanada inay si waafi ah u soo bandhigaan.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!