MD Farmaajo oo la kulmay Guddoonka labada Aqal

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulan la qaatay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Kulankan ayaa looga hadlayey dardargelinta shuruucda dalka iyo wada shaqeynta goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddoonka Aqalka Sare.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka labadda aqal ka dalbaday in ay dardargaliyaan shaqooyinka horyaalla si loo horumariyo dalka Shuruucdiisa.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli aysan wax wada shaqeyn ah ka dhaxeynin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay Guddoonka labada Aqal Barlamaanka Soomaaliya, isagoo kala hadlay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac.