Taliye ku Xigeenkii Booliska Puntland oo geeriyooday

Wararka Maanta

fb_img_1481788021192

Taliye ku xigeenki ciidamada Booliska Puntland Col. Jamac Saxardiid ayaa u dhintey saaka dhaawac kooxo dabley ah u gaysteen maalintii shaley  isaga oo fadhiya goob makhaayad ah ee ku taal magaalada Bosaaso xarunta gobolka Bari.

Sarkaalka dhintey oo lagu daaweynayey Isbitaal ku yaal magalada Bossaso ayaa sida wararka sheegayan dhaawacyo culus kasoo gaareen weerar shaley la beegsadeen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatey in weerarkaan sarkaalkaan ka dambeysay iyagoo warkaas ku baahiyey bogaga ku hadla af-kooda.

Dilka Col.Saxardiid ayaa imaanaya asbuuc kadib markii ciidamada Puntland magalada Qandala ka qabsadeen kooxaha maleeshiyaad ah oo sheegey iney taagersan yihiin ururka Daacish.

Taliyaha dilkiisa ayaa sidoo kale imaanaya xilli habacsanaan balaaran ka jirto amniga Puntland marka laga eego dhinaca sirdoonka iyo mushahar siinta ciidamada ku howlan ilalainta sugida amaanka magaaloyinka waaweyn ee hoos yimaada maamulka Puntland.