Maxkamada Ciidamada dil ku fulisay 4 Nin

Wararka Maanta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay maanta oo Isniin ah  4 Nin oo ka tirsan  Alshabaab, kuwaa soo ka dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo Sanadkii hore.

Fagaaraha lagu toogtay Afartan nin ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilkaan lagu fuliyay Xubnaha Ka tirsan Alshabaab ayaa imaanaya Xili shalay Magaalada Baydhabo ay gaareen Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Darajada 1-aad iyo tan sare oo ay wehliyaan xubno katirsan Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida .