Hay’adda Bani-Adam ayaa magaalada Cadaado ku qabtay Tababar soconayey laba Maalmood, tababarkan ayaa lagu baranayey Xuquuqda Aadanaha, Tababarkan ayaa waxaa maalgaliyey hay’adda SIRC, Waxaana Tababarka furay Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole, sidoo Mr Ibraahim oo ka socday Ha’yadda Bani-Adam ayaa ka hadlay ujeedada Tababarka oo ah in kor loo qaado wacyiga Bulshada ee arimaah Xuquuqda Aadanaha.
Tababarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 45 qofood oo ka kala socday qeybaha Bulshada, Ka qeybgalayaasha oo loo qeybiyey kooxo ayaa ka dooday Arimaha la xariira Xuquuqda Aadanaha iyo sidii loo dhowri lahaa Xuquuqda bini aadanka.
Gabangabadii ayaa Xoghaya degmada Cadaado Mr Duraan waxa uu ka qeybgalayaasha gudoonsiiyey shahaadooyin. dadka ka soo qeybgalay ayaa sheegay in ay ka faa’iideysteen arimo badan oo ku saabsan sidii loo dhowri lahaa xaquuqda bulsho meel ku wada nool, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay.