Maxaan kaga Dayanaa Jarmal? W/Q: Nuur Shariif Shaacir

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Shacabka Reer Jarmal Maanta waxey u dabaal degayaan 26-sano guuradii kasoo Wareegtay markii ay Midoobeen labadii Jarmal ee kala fadhiyay Bonn iyo Berlin.

14573052_949158595190381_8472522071912553670_n 14590269_949158575190383_5689719537242599039_n
Labadaan muuqaal ee idiin muuqda waa Derbigii berlin oo la dhisayo iyo isagoo la burburinayo.
kadib markii dagaalki labaad ee aduunka WW2 lagu jabiyay xulufadii uu hogaaminayay kali taliskii madaxweynaha u ahaa jarmalka ee Hitler gacantana lagu dhigay gabi ahaanba dalka jarmalka ayeey sanadkii 1961-kii dowladihii shisheeye ee faraglinta ku hayay jarmalka waxa ay ka dhiseen magaalada Berlin ee caasimada u ah Jarmalka Darbi caan ka noqday caalamka oo kala Qeybinayay jarmalka bari iyo kan galbed oo markaa laga dhigay laba dowlad si ay u kala fogeeyaan shacabka reer jarmal mardanbana ayan usoo bixin cudud ama awood ay dunida ku yeeshaan reer jarmal.
Hadaba waxay kala xanib-naadaanba oo xeyndaab loo calaamadeeyey ku kala xirnaadaan waxay bilaabeen inay is weydiiyaan waxa kala sooci kara iyagoo isla soo maray dhibaatadii ay ku hoobteen ee dagaalkii malaayiintu ay ku dhinteen ee socday intii u dhaxaysay 1938-1945 iyagoo gaaray heer lagu quudiyo koombooyin, Meydadkuna intay bateen wabiyada iyo badaha lagu daadiyo ilmahoodana loo qeybiyo ganacsatada kale ee reer yurub si ay noloshooda u kafaala qaadaan dhibaatadi ku habsatay xadigeeda.
Waxey isi Su’aaleen Sababta kala sooci karta xili hal ujeedo iyo hal magac loo dhibaateyey oo ah Jarmal si simana ay dhibaatadu u gaartay.
Waxey u arkeen in Midnimadu tahay tan Kaliya ee ay kagasoo kabsan karaan dhiigii gaartay waxeyna Ku balameen Inay si wada jira u wajahaan xaaladihii horyaalay dhamaantoodna Arimahani waxey kamid ahaayeen 8 qodob oo aas’aas u ahaa Midnimada Shacabka reer Jarmal.
Durba Waxay bilaabeen sidii ay kaga gudbi lahaayeen xeyndaabka lagu kala ooday oo ay usoo ceshanlahaayeen awoodii jarmalku uu kulahaa dunida dhan siyaasad iyo dhaqaale ugu danbayntiina sanadkii 1989 ayay jiireen gebi ahaanba derbigii berlin sanadkii 1990-kiina waxaa si rasmi ah u midoobay labadii jarmal.
Waxaa laysku furay ganacsigii,Siyaasadii,isusocodkii,Waxbarashadii Iyo waxkasta oo ay Bulsh Horumar ku heshiisay Wadaagaan ilaa ay gaarsiiyeen Maata go’aanada Caalamka marka la goynayo haduu Jarmal ka maqanyahay in la yiraahdo waaku Celis.
maanta jarmalku wuxuu kamidyahay dalalka siyaasad iyo dhaqaalo ahaan aduunka laga ixtiraamo.
Hadaba dalkeena soomaaliya waa maxay nasiib xumada ku habsatay oo isagoo laba dowlad loo kala qaybin loo la’yahay hogaan mideeya.????

Comments are closed.