Ergada shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka doodaya Dastuurka uu yeelanayo maamulkaas

Wararka Maanta

Ergada shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socda Jowhar ayaa loo qeybiyay qabyo qoraalka dastuurka uu yeelanayo Maamulkaasi, Qabyo qoraalka dastuurka oo ka kooban 7 cutub ayaa si koox koox ah uga doodi doonaan Ergada, Dhanka kale Ergada ayaa lagu wadaa inay isku raacaan magaca uu yeelanayo maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo dhowaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqday shacabka inay aragtidooda ka soo dhiibtaan magaca iyo astaanta calanka uu yeelanayo maamulka labada gobol loo dhisayo.

ergada1-768x512

Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  ayaa sheegay in todobaadkan ay ku ansixin doonaan qabyo qoraalka, si loo guda galo dhameystirka maamulka labada gobol oo qorshihiisu yahay bartamaha bishan in la doorto Madaxweyne.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay ku guuleysatay inay qanciyo ergada ka qeyb galaya shirka jowhar, kadib markii maalin ka hor isaga baxeen, kaddib markii lagu wargeliyay in aanay wax dhaqaale ah qaadan doonin.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labada gobol ayaa ku howlan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo maamulka labada gobol.

Tagged

Comments are closed.