RW Itoobiya Abiy Axmed oo ka badbaaday isku day dil (Sawirro+ Video)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Fagaaraha Meskel ee magaalada Adis-ababa caasimadda itoobiya ayaa maanta waxaa isugu soo baxay dad aad u farabadan, waxaana lagu taageerayey Ra’iisulwasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Ahmed, waana banaanbaxii ugu balaarnaa ee ka dhaca itoobiya.

Abiy Ahmed waa 42 jir , bishii April qabtay xilka ra’iisulwasaaraha itoobiya, wuxuuna kasoo jeeda qowmiyadda oromada, isagoo sameeyey isbadalo waaweyn, oo ay mid ahaayeen booqaashooyin taariikhi ah oo uu ku tagay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya. sidoo kale wuxuu xilalkii ka qaaday taliyaayaashii ugu sareeyey ciidanka dalkaasi, oo uu ku jiro taliyihii sirdoonka oo muddo 17 sano ah xilkaas haye. wuxuna sidoo kale xabsiga ka sii daayey kumanaan u xirnaa siyaasad. wuxuu kale fasaxay in kabadan 200 warbaahin xayiraad horey loo saaray.

Kadib markii uu qubadiisa dhameeyey, waxaa dhacay qarax, waxaana halkaas lagala cararay Abiy Ahmed, inta la xaqiijiyey dad ku dhow 10 qof ayaa ku dhintay Qarax, halka dhaawacu kor u dhaacay 100 ruux. Mr. Abiy oo kadib xafiiska kala hadlay shacabka itoobiya ayaa sheegay in weerar nuucaan ah uu san joojin doonin isbadalada uu wado.

khudbadiisa ayaa si toos ah looga daynayey telefishinka Qaranka Itoobiya. Ma jirto cid sheegtay weerarka, Waxaa dadka qaarkiis ku dhinteen isbuurasho, khasaaraha ayaa la filayaa inuu kordho, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan tirada khasaaraha.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in lagu dili rabay ra’iisulwaase Abiy, waxaan intaan qarax dhicin goobta ka jirtay xaalad feejignaan, waxaana la arkayey Abiy oo shacabka kala hadlay xeyndaab muraayadda aan xabaddu karin, waana farsamo la isticmaalo marka laga cabsanayo in la beegsado dadka madaxda ah.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

isha wararka xaqiiqda ah.