Kenya oo sheegtay in ay Dishay Sargaal Sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab

Wararka Maanta

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyay in hawlgal gaar ah oo ciidamada ka sameeyeen xaduuda Soomaaliya iyo Kenya in lagu dilay hogaamiye ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab,

 

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in hawlgalkaan oo ka dhacay xaduuda Soomaaliya in lagu dilay hogaamiye Al-Shabab ka tirsanaa oo magaciisa lagu sheegay Xasan Isaaq Ibraahim iyo labo ka mid ahaa illaaladiisa.

 

Hogaamiyahaan ayay dawlada Kenya ku eedeeysay inuu mas’uul ka ahaa dhawr weerar oo ka dhacay gudaha Kenya iyo magaalooyinka xaduuda ku yaala.

 

Waxyaabaha lagu eedeeyay hogaamiyahaan waxaa ka mid ahaa inuu xataa dhawr mar qafaashay gaadiid ku dhex safrayay dhulka xaduuda ah iyo inuu weeraray xarumo ku yaala gudaha Kenya.

 

Al-Shabab willi kama ay hadlin sheegashada Kenya