Hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa todobaadkan gudbiyey liiska 19 ruux oo u sharaxan aqalka sare, waxaana musharixiintaas ku tartamayaan 8 kursi oo aqalka sare ah, inkasta oo ay guddiga doorashada dadban ay sheegeen in ay celiyeen liiska xubnaha aqalka sare u tarmaya dowlad goboleedyada Galmudug, Puntland iyo jubbaland, hadana waxaa muuqda in barlamaanka Galmudug uu guda galay qorshaha kala saarista xubnaha.
Sida ku cad warqadda hoose Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug ayaa Magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood, guddigan oo u qaabilsan barlamaanka Galmudug doorashada xubnaha aqalka sare, waxaan xalay xubnaha gudigan ay gudoomiye u doorteen Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah labada maalmood ee soo socota waxaa la guda gali doonaa doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya dowlad goboleedka Galmudug, waxaana magaalada Cadaado ka socda xod-xodashada xildhibaanada Barlamaanka Galmudug, beelaha qaar halkii kursi ay lahaayeen  waxaa u tartamaya 3 musharax, taas oo sare u qaaday qiimaha codka halkii xildhibaan, waxaana qiimaha codka halkii xildhibaan marayaa ilaa 12,000 dollar.
Comments are closed.